Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa 14 bilood oo xabsi ah ku xukuntay nin lagu helay inuu weeraray Ilhan Omar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Anthony James Kazmierczak, oo 55 jir ah, ayaa Khamiistii qirtay dambiga weerarka, isaga oo sheegay inuu si qorshaysan u beegsaday xildhibaanadda intii lagu guda jiray kulan ay dadweynaha kula yeelanaysay Minneapolis 27-kii Janaayo 2026.
Kazmierczak ayaa qirtay in weerarka uu salka ku hayay aragtiyo siyaasadeed oo uu kaga soo horjeeday Ilhan Omar.
Xilliga weerarka, Kazmierczak oo fadhiyay safka hore ee goobta kulanka ayaa si lama filaan ah ugu booday xildhibaanadda, isaga oo ku buufiyay dareere ka kooban khal tufaax ah, kaas oo gaaray dharkeeda iyo maqaarkeeda.
Muuqaallo laga duubay dhacdada ayaa muujiyay ninka oo ku qeylinaya “waa inaad iscasishaa”, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay Ilhaan inay kala qaybinayso gobolka Minnesota.
Kooxda ilaalada Ilhan Omar ayaa si degdeg ah u qabatay Kazmierczak, waxaana markii dambe xiray booliska. Xildhibaanadda ayaan wax dhaawac ah kasoo gaarin weerarka, waxayna sii wadatay kulankii ay la lahayd shacabka.
Kazmierczak ayaa maxkamadda ka hor sheegay in xusuustiisa ku saabsan wixii dhacay ay tahay mid aan dhammaystirnayn. Hase yeeshee, dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in uu weerarka horay u sii qorsheeyay, isla markaana uu fariimo u diray ugu yaraan saddex qof ka hor inta uusan weerarka fulin.
Dacwad-oogayaashu waxay sidoo kale sheegeen inuu deriskiisa kala hadlay daryeelka eeygiisa iyo inuu diyaariyay xiriir la xiriira dammaanadda xabsiga, taas oo ay ku tilmaameen calaamado muujinaya in weerarku ahaa mid hore loo qorsheeyay.
“Iga raalli noqo haddii aan ku cabsi geliyay,” ayuu sidoo kale ugu qoray Ilhan Omar fariin uu u diray weerarka kaddib.
Dacwaddu waxay sheegtay in Kazmierczak uu hore ugu soo qoray baraha bulshada hadallo uu ku weerarayo madaxweynihii hore Joe Biden iyo Xisbiga Dimuqraadiga, halka uu sidoo kale muujiyay taageero uu u hayo madaxweyne Donald Trump.
Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Daniel N. Rosen ayaa sheegay in weerarku uu tusaale u yahay waxa uu ku tilmaamay xaalad sii kordheysa oo dadka qaar ay nacaybka siyaasadeed ugu beddelayaan falal dambiyeed.
Ilhan Omar, oo ah Soomaali-Mareykan, ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqatay doodaha siyaasadeed ee Mareykanka, gaar ahaan arrimaha socdaalka iyo siyaasadda xuduudaha.
Weerarka ayaa dhacay xilli ay Omar si cad uga soo horjeedday hay’adda socdaalka iyo fulinta sharciga ee ICE, waxayna sidoo kale dalbatay iscasilaadda mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Trump oo ay ku eedaysay habka loo maareeyay hawlgallada socdaalka ee Minnesota.





