Dab aan la aqoon waxa sababey ayaa ka qarxey kaamka boqol buush ee magaalada boosaaso,dabkan oo kusoo noq noqdey kaamamka ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ee degan magaalooyinka puntland,ayaan la ogeyn cida ka danbeysa.
Dabkan ugu danbeeyey ee ka dhacey boqolka buush ee boosaaso ayaa waxaa ku dhintey ilmo afar sano jir ah,halka ay basbeeleen dhamaan buushashki halkaa ka dhisnaa,iyadoon cidina usoo gurman baabuurta dabdemiska ah ayaan u soo dhaqaaqin dabka oo olalayey in ku dhaw shan saacadood,dad ayaa qaba in buushashka ay mar kasta gubaan dad diidan qaxootiga soo barakacey,iyo kuwo kale oo qaba in ay ka danbeeyaan NGO yada kuwa ka shaqeysta oo doonaya in ay hey’adaha ku tuugsadaan wax u qabashada dadkaas dhibaatadu gaartey.
Maahan markii ugu horeysey ee dab uu qabsado xeryaha barakacayaasha puntland mana jirto cid loo soo qabtey dabka joogtada ka noqdey qaar kamid ah gobolada puntland,boliska iyo ciidamada amnigu wax xil ah iskama saaraan ilaalinta dadka barakacayaasha ah ee duruuftu heyso.




