Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo ku gacanseyrey hadal kasoo yeerey gud.maxkamada sare

0
494

Shir uu yeeshey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uuna shir gudoominayey kusimaha gudoomiyaha xmjs ahna gud.kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic ayaa waxaa laga soo saarey warkan saxaafada loogu tala galey:
xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed wuxuu cadeynayaa in maxkamadeynta iyo garsoorka uu heley wariye c/casiis koronto iyo gabadha dhibanaha aheyd ee luul cali xasan ay aheyd mid u dhacdey si caddaalad darro ah,laguna tuntey xuquuqdooda aas aasiga ah ee uu qeexayo dastuurka dalka u yaala.

Waxaan sidoo kale ku cadeyneynaa warka ku kor ku xusan in aysan isku mid aheyn eedda lagu soo eedeeyey iyo waxa uu cuskadey garsooraha xukunka halka sano ah ku ridey wariye c/casiis koronto iyo gabadha lagu magacaabo luul cali oo iyadoo dhibane aheyd xarig loogu darey,eedda lagu soo oogey c/casiis koronto waxey aheyd in uu sharafta qaranka wax u dhibey uuna faafiyey war been abuur ah oo lagu ceebeynayo qaar kamid ah qeybaha ciidamada qaranka,isla markaa markii uu garsooruhu xukunka ridayey wuxuu u cuskadey gogol dhaaf iyo in c/casiis koronto galey guri ninkii lahaa ka maqanyahey,ayna gef ku tahey wariyaha iyo gabadha uu wareystey.

Dhanka kale xmjs ayaa wax laga xumaado oo wax kamajiraana ku tilmaamey hadal kasoo yeerey gud.maxkamada sare ceydiid ilka xanaf kaasoo ahaa in uu yiri dalka wax xisbiyo ahi kama jiraan,waxaanan leenahey dalka xisbiyo wey ka jiraan weyna jiri jireen jirina doonaan,waxeyna lamid tahey anagoo dhahna ceydiid iyo garsoor ma jiro,haduu ula jeedo ma jiro xeer axsaabta nidaamiya oo baarlamanku meelmariyey ma jiro taas xisbiyada kuma xirna dastuurka ayaana cadeynaya in xisbiyo tartama iyo cod ay yihiin halka uu dalku u socdo.

Gudiga adeega garsoorka uu ceydiid ilka xanaf gudoomiyaha u yahey ha eego qaabka iyo habka loo soo dhisayo kumana fadhiyo habkaas ee dib ayaa loo soo dhisi doonaa hadana xisbiyadu kama doodin jiritaankiisa,mana aha in gud. Sharciga uu bulshada ku handado oo uu u hadlo wax taabanaya bulsho la doonayo in ay door ka qaadato dib u dhiska iyo xasilinta dalka isagoo u jeeda weerar qof ra’yigiisa cabirey oo aan cidna dhibaato u geysan.

Ugu danbeyntii waxaan ka codsaneynaa dawlada garsoorka iyo inta caqliga u saaxibka ah in la siiyo xoriyadooda iyo magdhaw wariye c/casiis koronto iyo luul cali si dhaqso iyo tixgelin ay ku jirto.