Wariye ka Tirsanaa Warbaahinta Maxaliga oo La Sheegay in uu u Geeryooday Dhaawac ka Soo Gaaray Dagaalkii Baydhabo ka Dhacay.

0
12

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa sheegay inuu ka murugooday geerida Bashir Maxamed Cabdullaahi, oo ahaa wariye ka tirsanaa warbaahinta Arlaadi Media Network, kaas oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo saacadihii hore ee Isniintii, 7-dii Sebtembar, kadib dhaawac culus oo rasaas loogu geystay magaaladaasi 3-dii Sebtembar.

Sida ay NUSOJ u sheegeen wariyayaal deegaanka ah, weriye Bashir oo 23 jir ahaa ayaa ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Al-Ahmaar ee waqooyiga Baydhabo, xilli uu dagaal dhex marayay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad daacad u ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo ahaa hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed.

Bashir ayaa la xiriiray agaasimihiisa kadib markii uu arkay rag hubeysan oo aan la aqoon oo ku dhex socda xaafaddiisa, waxaana lagula taliyay inuu guriga ku nagaado ilaa xaaladdu ka degto.

Hase yeeshee, markii dambe ayuu guriga ka baxay si uu u guto waajibaadkiisa saxaafadeed. Sida wararku sheegayaan, waxaa jidka ku hor istaagay rag hubeysan oo aan la aqoon, kuwaas oo xirnaa darees ciidan, wajiyadoodana daboolnaa.

Kadib markii ay su’aalo weydiiyeen, raggaasi ayaa laba xabbadood kaga dhuftay dhabarka, iyagoo halkaasi uga tagay isagoo dhaawac culus qaba. Waxaa si degdeg ah loogu qaaday Isbitaalka Guud ee Bay, halkaas oo dhakhaatiirtu ay qalliin degdeg ah ku sameeyeen.

NUSOJ ayaa tan iyo markii uu dhaawacmay si dhow ula socday xaaladda Bashir, iyadoo xiriir joogto ah lala hayay bahda saxaafadda ee Baydhabo xilli la waday dadaallo lagu raadinayay daryeel caafimaad oo dheeraad ah.

Waxaa sidoo kale la qorsheeyay in Bashir Isniintii loo qaado Muqdisho si uu halkaasi uga helo daaweyn takhasus leh, balse xaaladdiisa ayaa sii xumaatay ka hor inta aan la diyaarin wareejintiisa, waxaana uu ku geeriyooday dhaawacyadii rasaasta.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Omar Faruk Osman, ayaa sheegay in dilka Bashir uusan noqon karin kiis kale oo lagu soo koobo tacsi, balse loo baahan yahay in la helo caddaalad iyo cidda ka dambeysay dilkiisa.

“Waxaan helnay tacsi badan oo ku saabsan weerarrada lagu hayo saxafiyiinta, balse waxa aan hadda u baahan nahay waa jawaabo. Bashir wuxuu ahaa wariye da’yar oo mustaqbal wanaagsan lahaa, waxaana laga qaaday fursaddaas. Yaa dilay, sababtee loo dilay, yaase lala xisaabtami doonaa?” ayuu yiri Osman.

NUSOJ ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka lagu dilay Bashir uu xusuusin xanuun badan u yahay khatarta ay wariyayaashu kala kulmaan Baydhabo iyo meelo kale oo Soomaaliya ah marka ay dhacaan iska horimaadyo hubeysan.

Ururka ayaa xusay in wariyayaashu yihiin dad rayid ah oo gudanaya shaqadooda, isla markaana dhammaan dhinacyada hubeysan ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan badqabkooda, ayna ka fogaadaan bartilmaameedsiga, hanjabaadda, xarigga ama weerarka lagu qaado saxafiyiinta sababo la xiriira shaqadooda.

NUSOJ ayaa tacsi iyo garab istaag u dirtay qoyska Bashir, asxaabtiisa iyo guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

Bashir Maxamed Cabdullaahi ayaa noqday wariyihii ugu horreeyay ee Soomaaliya lagu dilo sannadkan, sida uu sheegay ururka NUSOJ.