Shirweynaha Dhalinyarada Adduunka oo Soomaaliya ka Qeyb Gashay iyo Waxa Looga Hadlayo.

0
131

Soomaaliya ayaa ka qayb-gashay Shirweynaha 12-aad ee Baarlamaanka Adduunka, qaybtiisa dhallinyarada, oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Samarkand ee dalka Uzbekistan, iyadoo Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi uu Soomaaliya ku metelayey shirweynaha.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka kala socday illaa 50 dal ayaa diiradda lagu saaray ilaalinta xuquuqda aadanaha, horumar waara, nabadda iyo xoojinta doorka baarlamaannada ee wax-ka-qabashada caqabadaha haysta dhallinyarada.

Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi ayaa khudbad uu ka jeediyey shirweynaha kaga hadlay muhiimadda fursadaha dhaqaale ee dhallinyarada, isagoo xoogga saaray xuquuqdooda dhaqaale, helitaanka shaqooyin hufan iyo ka-qaybgalka dhallinyarada ee horumarinta dhaqaalaha.

Waxa uu sheegay in baarlamaannadu door muhiim ah ku leeyihiin dejinta sharciyo iyo siyaasado taageera shaqo-abuurka, ganacsiga dhallinyarada, horumarinta xirfadaha iyo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay, iyo sidoo kale dardargelinta hirgelinta Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).

Shirweynaha oo halku-dhiggiisu ahaa “Dib-u-hanashada Xuquuqda Aadanaha, Caddaaladda iyo Karaamada Dhammaan Dadka Xilliyada Adag” ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhallinyaradu si buuxda uga qaybqaataan go’aan-qaadashada iyo dadaallada horumarineed.

Gaba-gabadii shirweynaha ayaa lagu xoojiyey ballanqaadka xildhibaannada dhallinyarada ah ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha, horumarinta nabadda iyo abuurista fursado wanaagsan oo dhallinyaradu ku gaaraan mustaqbal waara.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya doorka Golaha Shacabka ee taageeridda awood-siinta dhallinyarada iyo sidii codkooda, xuquuqdooda iyo fursadahooda dhaqaale ay qayb muhiim ah uga noqon lahaayeen dadaallada horumarinta dalka.