Booliska soomaaliya oo deeq ka heley booliska adduunka interbol kadib booqasho uu muqdisho ku yimid xoghayaha guud ee interbol.

0
487

Booliska soomaaliya oo aan bixin viga lacageed ee laga qaado dalalka xubnaha ka ah booliska adduunka interbol,ilaa iyo markii ay soomaaliya xubinta ka noqotey 1975ki.

Waxaana maanta soo gaarey magaalada muqdisho xoghayaha guud ee booliska adduunka,isagoo sheegey in uu balanqaadayo bixinta lacag dhan 360 kun oo uro taas oo uu yiri waxaan kasoo ururinayaa dalalka xubnaha ka ah ururkan islamarkaana balan qaadey in ay wada shaqeyn buuxda yeelan doonaan booliska soomaaliya iyo kuwa caalamku,isagoo intaa ku darey in dalka soomaaliya iyo booliska soomaaliyeedba uu u keeney bassaporka interbol si ay ugu safraan booliska soomaaliyeed hadii ay shaqo u aadayaan dalal kale.

Waa markii ugu horeysey ee ay soomaaliya yimaadaan saraakiil ka socota booliska adduunka interbol waxeyna ku soo beegmeysaa iyadoo ay beryahan isasoo tareyso wadashaqeynta ay caalamku u muujinayaan dawlada uu hugaamiyo m/weyne xasan sheekh maxamuud.