Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka oo Shaaciyey Deegaanada Doorashada Maamulka Hirshabeele.

0
7

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray jadwalka goobaha loo asteeyay doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Sida ku cad jadwalka guddiga, doorashooyinka ayaa laga qabanayaa 12 degmo oo ku kala yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Gobolka Hiiraan waxaa loo asteeyay degmooyinka Beledweyne, Jalalaqsi, Buulo Burde, Matabaan, Jawiil iyo Farlibaax, halka gobolka Shabeellaha Dhexe lagu qabanayo Jowhar, Balcad, Warsheekh, Cadale, Mahadaay iyo Raage Ceelle.

Guddiga ayaa horey u shaaciyay jadwalka guud ee doorashada Hirshabeelle, kaas oo dhigaya in la asteeyo lana shaaciyo xarumaha iyo goobaha codbixinta, ka hor inta aan la guda gelin marxaladaha xiga ee hannaanka doorashada.

Doorashooyinka isku-sidkan ayaa loogu tartamayaa xubnaha Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Hirshabeelle, iyadoo guddigu sheegay in geeddi-socodka doorashada loo marayo jadwal rasmi ah oo ay soo saareen.

Shaacinta goobaha doorashada ayaa qayb ka ah tallaabooyinka lagu diyaarinayo codbixinta, iyadoo ururrada siyaasadda iyo musharraxiinta laga doonayo inay u hoggaansamaan jadwalka iyo habraacyada uu guddigu dejiyay.