Madaxweyne Gur Guurte Oo Maanta Ka Qeyb Galay Furitaanka Shirweynaha Dalalka Islaamka.

0
472

Magaalada Qaahira Ee Xarunta Dalkaasi Massar Ayaa Maanta Waxaa Si Toos Ah Ugu Furmay Shirweynaha dalalka islaamka iyadoona wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ay kaqeyb galayaan shirkaasi.

Ka Qeybgalka Shirka dalalka Islaamka ayaa Madaxweynaha waxaa kula wehliyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf,Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir, Wasiiro dowlaha Arrimaha dibada Maxamed Nuur gacal oo horay uga mid ahaa Shirkaasi.

Xasan Sheekh Max’uud Madaxweynaha Dowlada Somalia ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madaxda dalalka Islaamka ee kasoo qeyb-galay shirka Maanta Furmay.

Ka Qeyb Galka Mudane Gur Guurte ayaa qeyb ka ah aragtiddiisii ku aadanaa xoojinta xiriirada ay la leedahay dalalka beesha caalamka Dowlada Somalia.