Soomaaliya oo Sheegtay in Dhawaan ay Kalluun Bilaa Canshuur ah u Dhoofineyso Dalka Shiinaha.

0
6

Soomaaliya ayaa bisha soo socota si rasmi ah u bilaabaysa dhoofinta kalluunka ee dalka Shiinaha, kaddib markii Beijing ay badeecadaha ka yimaadda qaar ka mid ah dalalka Afrika siisay fursad ay ku galaan suuqeeda iyagoo aan bixin cashuur.

Heshiiska arrintan lagu dhaqan-gelinayo ayaa Muqdisho lagu kala saxiixday, waxaana dhinacyada Soomaaliya iyo Shiinaha u kala saxiixay Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha ee Muqdisho.

Heshiisku wuxuu ganacsatada Soomaaliyeed u oggolaanayaa inay kalluunka si bilaa cashuur ah ugu dhoofiyaan suuqa weyn ee Shiinaha, oo ka mid ah suuqyada ugu ballaaran caalamka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Cabdi Dirshe, ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in furitaanka suuqa Shiinaha uu abuuri karo fursado shaqo, isla markaana soo jiidan karo maalgashi lagu sameeyo xarumaha qaboojinta, warshadaynta kalluunka iyo silsiladaha sahayda.

Si kastaba, waxaa weli jira caqabado horyaalla Soomaaliya si ay uga faa’iidaysato fursaddan, kuwaas oo ay ka mid yihiin wax-soo-saarka kalluunka oo xaddidan, la’aanta warshado waaweyn oo kalluunka lagu farsameeyo iyo baahida loo qabo in la horumariyo heerarka tayada si ay ula jaanqaadaan shuruudaha suuqyada caalamiga ah.

Ganacsatada Soomaaliya ayaa heshiiskan u arka fursad cusub oo kor loogu qaadi karo dhoofinta kalluunka, loona abuuri karo suuq caalami ah oo wax-soo-saarka kalluumaysiga dalka lagu iibiyo.