Weerar Al-shabaab ku Soo Qaadeen Magaalada Baydhabo oo Wasaaradda Gaashaadhiggu Sheegtay in La Fashiliyey.

0
6

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamadiisu ay fashiliyeen weerar ay maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al shabaab ah ku qaadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Bayaan uu soo saaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka, isla markaana ay muddo waday dadaallo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka ay si buuxda uga feejignaayeen weerarka, ayna iska caabiyeen kooxaha weerarka soo qaaday, kuwaas oo sida bayaanka lagu sheegay la gaarsiiyay jab iyo khasaaro naf iyo maal ah.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ay isku dayeen inay qabsadaan goobo ay ka dagaalamaan, balse ciidamada dowladda ay ka hortageen, iyagoo adeegsanaya hub iyo gaadiid ciidan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka iyo khasaaraha ay gaarsiiyeen Al shabaab ay soo bandhigi doonaan.

Dhanka kale, Taliska ayaa shacabka Baydhabo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan iyo wada-shaqeyn, isla markaana ay garab istaagaan ciidamada Qaranka ee u taagan difaaca shacabka iyo sugidda amniga dalka.

Bayaan ka soo baxay Taliska ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ciidamada iyo shacabka si loo xaqiijiyo amniga magaalada iyo guud ahaan dalka.

Hadalka Taliska ayaa imaanaya iyadoo xubnihii horey uga tirsanaa nidaamkii Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed iyo ciidamo daacad u ah ay sheegteen inay dagaal xooggan ay saakay ku qaadeen magaalada Baydhabo.