Heshiis horudhac ah ayaa laga gaaray khilaafka Ciidamada Danab ee ku sugan xerada Ligle ee duleedka magaalada Garoowe, kuwaas oo hore uga tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa ka dhashay kulan xalay ka dhacay Garoowe, kaas oo dhexmaray Guddi uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo General Jimcaale, oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Danab ee Ligle.
Sida lagu heshiiyay, ciidamo ay Puntland geeysay deegaanka Laacdheere ee duleedka Garowe ayaa laga qaadi doonaa halkaas maanto oo Sabti ah, iyadoo sidoo kale la isku raacay in dhammaan ciidamada Danab loo mariyo nidaamka biometric-ka si ay uga mid noqdaan ciidamada Puntland, loona soo celiyo xaquuqdii ay ku lahaayeen Puntland.
Ciidamada oo markii hore Dowladda Puntland oggolaatay in 450 askari laga diiwaangeliyo ayaa heshiiska cusub lagu sheegay in diiwaangelinta biometric-ka lagu sameeyo dhammaan ciidamada, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay 700 askari. Hawsha diiwaangelinta ayaa la qorsheeyay in la bilaabo subaxda Isniinta.
Sidoo kale, heshiiska ayaa dhigaya in ciidamada la siiyo xuquuqdii iyo lacagihii ka maqnaa, arrintaas oo ahayd mid ka mid ah sababihii ugu waaweynaa ee khilaafka keenay, kaddib markii la sheegay in laga jaray mushaharkooda, taasoo horseeday inay u wareegaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga Odayaasha Nugaal ayaa sidoo kale noqday dammaanad-qaadayaasha heshiiska, iyagoo labada dhinac ka ballanqaaday in la ilaaliyo lana hirgeliyo qodobada lagu heshiiyay.
Heshiiskan ayaa noqonaya tallaabo cusub oo lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo Ciidamada Danab ee uu hoggaamiyo General Jimcaale, iyadoo warar maanta soo baxay ay sidoo kale sheegayaan in Jimcaale uu aqbalay inuu dib ugu biiro Ciidamada Difaaca Puntland, kana tanaasulo in ciidankiisa ay kasii mid ahaadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidanka Danab waa ciidankii ugu dambeeyay oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka oo ay la wareegayso Puntland, taaasoo soo afjaraysa saamayntii dowladda Federalka ku dhex lahayd gudaha Puntland.













