Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kormeertay goobta loo diyaariyey doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu wado inay ka dhacdo Muqdisho maalinta berri ah.
Sacdiya Yaasiin oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ayaa kormeerka ku tagtay iyadoo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).
Mas’uuliyiintu waxay hubiyeen diyaargarowga goobta, nidaamka cod-bixinta, habraacyada doorashada iyo agabka loo diyaariyey xildhibaanada, iyadoo sidoo kale la qiimeeyey diyaar-garowga farsamo iyo hab-maamuus ee la xiriira qabsoomidda doorashada.
Guddoomiyaha KMG ah ayaa ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si hufan, caddaalad ah oo xasilloon, iyadoo la raacayo xeerarka iyo habraacyada u degsan Golaha Shacabka.
Doorashada ayaa ku soo beegmaysa xilli Golaha Shacabka uu isku diyaarinayo inuu doorto hoggaanka cusub ee Golaha, iyadoo xilka Guddoomiyaha ay u tartamayaan laba musharrax oo kala ah Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Cabdullaahi Cumar.













