Muxuu ku saleysanyahey khilaafka la sheegey in uu soo kala dhexgaley ciidamada Amisom ee ku sugan dalka soomaaliya.

0
580

Khilaaf baahsan ayaa la sheegey in uu soo kala dhexgeley ciidamada Amisom ee ku sugan dalka soomaaliya gaar ahaan kuwa ugandha iyo brundi oo isku dhinac ah iyo dalka kenya kaasoo keeney in ay hakad galaan dagaaladii lagula jirey xarakada alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha hugaamisa ciidamada amisom.

Warkan oo soo baxey maalmahaan ayaa la sheegayaa in uu salka ku hayo damaca ciidamada kenya ee ku sugan jubooyinka waxa ayna diideen in ciidamada ugandha iyo brundhi ay magaalada marka uga soo dhaqaaqaan dhanka magaalada baraawe taas oo ay ka baqayaan in ay waayaan cid hor istaagta ayna kismaayo ugu tagaan halkaasna uu ku fashilmo damacoodi ahaa in kismaayo iyo jubooyinka ay maamusho.

Soo ifbixidda khilaafkan ayaa imaneysa iyadoo ay shabaabku heystaan meelo badan oo dalka soomaaliya ah aysana jirin duulaan iyo dagaal lagu qaadey in muddo ah taas oo ay dad badani la yaabanaayeen waxaase hada la sheegayaa in ciidamada brundhi ay goor dhaw u dhaqaaqi doonaan xaga magaalada baraawe iyagoo uga sii gudbi doona dhanka jubooyinka iyo jilib illaa laga gaaro magaalada kismaayo oo ay hadda maamulaan ciidamada kenya,waxaana halkaa ku idlaan doona hamigii iyo riyadii kenya ee ku wajahnaa in kenya hesho dhul ay boobto oo ay soomaalida ku qabsato,si ay u hesho jasiiradaha soomaaliya ee ay hada shidaalka ka qoddo,waa kenya’e.