Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sagootisay laba arday oo matalaya dalka, kuwaas oo ka qeyb geli doona Tartanka Caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka ee ka dhacaya Boqortooyada Sacuudiga.
Xafladda sagootinta waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, oo kula dardaarmay tartamayaasha inay si sharaf leh u matalaan Soomaaliya, isla markaana muujiyaan akhlaaqda iyo qiyamka Qur’aanka Kariimka.
Labada tartame ee Soomaaliya matalaya ayaa kala ah: Maxamed Nuur Maxamed Ibraahim, oo ku tartamaya xifdinta 30-ka juz ee Qur’aanka Kariimka iyo Muna Cabdiraxmaan Maxamed Sabriye, oo ku tartamaysa xifdinta 15 juz.
Labadan arday ayaa u soo baxay tartanka kaddib markii ay kaalmaha ugu sarreeya ka galeen tartankii qaran ee Qur’aanka Kariimka oo Wasaaradda Awqaaftu qabatay bishii Ramadaan.
Mas’uuliyiinta wasaaraddu waxay sheegeen in ka qeybgalka tartankan uu ka tarjumayo dadaallada Soomaaliya ay ku horumarinayso barashada Qur’aanka Kariimka, tayeynta macallimiinta iyo dhiirrigelinta dhalinyarada ku xeel dheer xifdinta iyo tajwiidka.













