Guddi Sare Maamuli Doona Sanduuqa Maareynta Khataraha Masiibooyinka oo Ra’iisal Wasaare Xamze Magacaabay.

0
318

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka, sida lagu sheegay digreeto xafiiskiisa ka soo baxday.

Magacaabistan ayaa lagu sheegay inay waafaqsan tahay qodobka 9-aad ee Xeernidaamiyaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka (Xeer Ra’iisul Wasaare Lr. 197/2026 ee ku taariikhaysan 08/02/2026).

Afhayeenka Xukuumadda Cabdinaasir Axmed Bashiir ayaa akhriyay digreetada magacaabista, isagoo sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay muhiimadda helitaanka ilo dhaqaale oo degdeg ah oo daboolaya baahiyaha lama filaanka ah, isla markaana lagu xoojinayo howlaha gurmadka iyo maareynta musiibooyinka.

Guddiga cusub ee la magacaabay ayaa ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka, iyo qeybaha diinta iyo samafalka.

Waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta, halka Wasiirka Maaliyaddu uu yahay guddoomiye ku xigeen.

Xubnaha kale waxaa ka mid ah wasiirro ka tirsan xukuumadda sida Qorsheynta, Caafimaadka, Ganacsiga, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Xannaanada Xoolaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, culimada, iyo hay’adaha bulshada rayidka.

Sidoo kale, guddigan ayaa waxaa qeyb ka ah hay’ado iyo ururro samafal oo ay kamid yihiin Hormuud Salaam Foundation iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka.

Qoraalka ayaa lagu xusay in guddigu uu noqon doono maamulka ugu sarreeya ee sanduuqa, isagoo mas’uul ka ah dejinta jihada istaraatiijiyadeed, kormeerka howlaha, iyo hubinta hirgelinta ujeeddooyinka sanduuqa.

Waajibaadka guddiga waxaa ka mid ah: Dejinta iyo ansixinta istaraatiijiyadda guud ee sanduuqa, Kormeerka iyo la socodka maamulka maaliyadeed, Hoggaaminta dadaallada dhaqaale uruurinta, Xoojinta iskaashiga dowlad, ganacsi iyo bulshada, Ansixinta warbixinno maaliyadeed iyo kuwa hawleed, iyo Dejinta xeer-hoosaadyo lagu hago howlaha sanduuqa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay in sanduuqan uu muhiim u yahay xoojinta ka jawaabista musiibooyinka iyo helitaanka maalgelin degdeg ah oo lagu taageero bulshada marka ay dhacaan xaalado degdeg ah.