Mucaaradka uu Hoggaamiyo Madaxweyne Hore Sheekh Shariif oo Diiday in Mudaharaadku ka Dhaco Goobo Dawladdu Asteysay.

0
352

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in mucaaradku aanu aqbali doonin in mudaharaadka lagu koobbo goob gaar ah oo ay dowladdu u cayintay, isagoo ku adkaystay in isu-soo-baxyadu ay yihiin xuquuq dastuuri ah oo shacabka Soomaaliyeed leeyihiin.

Sheekh Shariif ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo xusay in dowladda lagu wargeliyay qorshaha mudaharaadka, isla markaana aysan jirin sabab lagu xaddido goobta uu ka dhacayo.

“Mudaharaadku meel kasta oo uu ka dhici karo waa inuu ka dhacaa, Magaalada oo dhan waa inay soo baxdaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan isu-soo-baxyada la qorsheynayo.

Wuxuu sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay inaysan ka baqan cadaadis ama xarig, isagoo sheegay in difaaca xorriyadaha muwaadiniintu uu u baahan yahay adkaysi iyo ka qaybgal bulsho.

Madaxweynihii hore ayaa dowladda ku eedeeyay inay ku kacday tacaddiyo iyo xarigyo loo geystay dad aragtidooda siyaasadeed cabbiray, isagoo sheegay in arrimaha ay ka hadlayaan aysan ahayn dood siyaasadeed oo keliya balse ay yihiin xaqiiqooyin ay shacabka Soomaaliyeed wada arkeen.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in mucaaradku uu doonayo inuu sii wado qorshaha mudaharaadka, isagoo ku tilmaamay isu-soo-baxyada xuquuq dastuuri ah oo aan laga hor istaagi karin shacabka.