Nin Soomaali Haystay Dhalashada Mareykanka oo Lagu Dilay Magaalada Gaarisa ee ismaamulka Soomaalida.

0
212

Nin haystay dhalashada Mareykanka kana soo jeeday Soomaaliya ayaa lagu dilay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kadib weerar loo maleynayo inuu ahaa dhac hubeysan oo ka dhacay xaafadda Bulla Mzuri.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cismaan Aweys Cabdi ayaa meydkiisa laga helay meel u dhow iskuulka Abu Cubeyda School, isagoo qaba dhaawacyo culus oo ka dhashay mindi iyo jugo xooggan, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Wararka hordhaca ah ee baaritaanka ayaa tilmaamaya in marxuumka laga qaatay taleefankiisii gacanta, taasoo booliska ku dhalisay inay dhac u arkaan sababta ugu weyn ee dilka. Si kastaba ha ahaatee, baaritaannada ayaa weli socda si loo xaqiijiyo duruufaha dhabta ah ee ka dambeeyay falkaasi.

Sida ay sheegeen xubnaha qoyskiisa, walaalka marxuumka ayaa helay wicitaan aan la aqoon oo lagu farayay inuu tago goobta meydka laga helay, Markii uu halkaasi gaaray ayuu Cismaan ku arkay isagoo dhaawac culus qaba, hase yeeshee wuxuu geeriyooday ka hor inta aan la gaarsiin isbitaalka Antalya Hospital ee magaalada Gaarisa.

Dilkan ayaa carro xooggan ka dhex abuuray shacabka magaalada, iyadoo siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah ay dalbadeen in si degdeg ah cadaaladda loo horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Xildhibaanadda haweenka ee gobolka Gaarisa, Aamina Udgoon Siyaad, ayaa ku eedeysay kooxo burcad ah oo adeegsanaya mootooyinka loo yaqaan boda-boda inay door ku leeyihiin falalka amni darrada ee sii kordhaya, iyadoo ku baaqday in la adkeeyo tallaabooyinka amniga.

Dilka Cismaan Aweys Cabdi ayaa mar kale iftiimiyay walaaca laga qabo kororka dambiyada rabshadaha wata ee ka jira gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaas oo shacabka ay muddooyinkii dambe ka cabanayeen dhac iyo weerarro ay geystaan kooxo hubeysan.

Laamaha dambi-baarista Kenya ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno lagu raadinayo kuwii ka dambeeyay dilka, iyagoo ballanqaaday in caddaaladda la marsiin doono marka la soo qabto tuhmanayaasha.