Madaxweyne Donald Trump oo Dalalka Khaliijka ku Cadaadinaya in Lala Heshiiyo Israa’iil Hadii Heshiis La Gaaro.

0
11

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu hoggaamiyeyaasha dalal Carbeed iyo Muslimiinta ka codsaday inay caadiyeeyaan xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil haddii uu guulaysto heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Iran, sida uu qoray wargeyska Axios.

Warbixinta ayaa sheegtay in Trump codsigan ku sheegay kulan dhinaca telefoonka ah oo Sabtidii uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Qatar, Pakistan, Turkiga, Masar, Jordan iyo Baxrayn. Sida ay saraakiil Maraykan ahi u sheegeen Axios, hoggaamiyeyaashaasi waxay taageereen dadaalka heshiiska, balse codsiga la xidhiidha xidhiidhka Israa’iil waxaa lagu qaabilay aamusnaan.

Trump ayaa sidoo kale arrintan ku xusay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social, isagoo sheegay in heshiiska uu wado uu noqon doono mid “wanaagsan oo sax ah,” isla markaana uu rajaynayo in dalalka aan hore xidhiidh ula lahayn Israa’iil ay ku biiri doonaan waxa loo yaqaan Abraham Accords. Wuxuu xitaa sheegay in Iran “laga yaabo” inay mustaqbalka xidhiidh la yeelato Israa’iil.

Warbixinta ayaa imanaysa iyadoo gudaha Israa’iil uu ka jiro walaac xooggan oo ku saabsan heshiiska la filayo. Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay saraakiil sare oo sheegay in heshiiska hadda miiska saaran “aanu dan u ahayn Israa’iil,” maadaama aanu si cad uga hadlayn barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada Iran, iyo sidoo kale taageerada Tehran ay siiso kooxaha hubeysan ee gobolka.

Saraakiisha Israa’iil ayaa ka cabsi qaba in heshiiskaasi uu Iran siin karo waqti ay dib ugu soo kabato dhaqaale ahaan iyo militari ahaan, taasoo mustaqbalka adkayn karta in dib loogu laabto dagaal ama cadaadis militari. Heshiiska la filayo ayaa la sheegay inuu ku bilaaban doono xabbad-joojin 60 maalmood ah.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in heshiis noocaas ahi aanu ku iman karin “72 saacadood gudaheed,” isagoo tilmaamay in wadaxaajoodyadu ay weli socdaan.

Senator-ka Jamhuuriga ah Lindsey Graham ayaa taageeray qorshaha Trump, isagoo sheegay in haddii dalalka Carabta iyo Muslimiintu ku biiraan heshiisyada Abraham Accords, ay taasi noqon karto “mid ka mid ah heshiisyada ugu saamaynta badan taariikhda Bariga Dhexe.” Graham ayaa sidoo kale uga digay dalalka diida inay xidhiidh la yeeshaan Israa’iil inay wajihi karaan “cawaaqib siyaasadeed oo adag” oo saameeya xidhiidhkooda Washington.