Wasiirrada arrimaha dibadda ee 15 dal oo ay ku jiraan Sacuudiga, Masar, Qatar, Turkiga, Soomaaliya iyo Pakistan ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabo lagu sheegay in Somaliland ay safaarad uga furatay magaalada Quddus ee la haysto.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen dalalkan ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid “sharci darro ah” oo ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay ee la xiriira xaaladda magaalada Quddus.
Wasiirradu waxay adkeeyeen in Quddusta Bari ay tahay dhul Falastiiniyiintu leeyihiin oo la haysto tan iyo sanadkii 1967, iyagoo sheegay in tallaabo kasta oo wax looga beddelayo xaaladda sharci iyo taariikheed ee magaalada ay tahay mid “waxba kama jiraan” ah oo aan lahayn wax sharciyad caalami ah.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu muujiyay taageerada buuxda ee ay dalalkaasi u hayaan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada dalka Soomaaliya.
Wadama Caalam al Islaami ayaa dhowaanba waxa ay si diidmo leh uga hor yimaadaan tallaabada ay Somaliland Safaarada uga fureyso Quddus iyo xiriirka ay la sameeysay Israel.













