Ciidamo Faransiis Eeyo Wata Oo Maanta Howl Gal Baaritaano ah ka Sameeyey Magaalada Marka

0
524

(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Warar Lagu Kalsoonaan karo Oo Maanta Naga Soo Gaaray Magaalada Marka ayaa Sheegayaa In Gudaha Magaalada Marka Lagu Arkay Ciidamo aad U Fara Badan Oo U dhashay Dalka france

Ciidamadaani Ayaa La Sheegay In ay Wateen Eeyo Ku Xiray Xargo Isla Markaana ay Ugu Tala Galeen Howl Galkooda Baaritaanada ah

Ciidamadaani Faransiiska ah ayaa Sidoo la Sheegay In ay Ka Yimaadeen Dhan Deegaanka Ceel Jaalle Oo ka Tirsan Gobolka Sh/Hoose

Ma Jiro Ilaa Iyo Haatan Warar sheegayaa In Howl Galkii Maanta ay Sameeeyeen Ciidamadaan faransiisi ah wax ay Ku soo Qabteen

(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)