Shirka midawga afrika oo lagu ururiyey lacag dhan 455 milion dolar looguna tala galey la dagaalanka islaamiyiinta caalamka.

0
525

Shirka ka socda xarunta midawga afrika ee adisababa ayaa waxaa lagu ururiyey lacag ka badan 455 milion oo loogu tala galey la dagaalanka islaamiyiinta caalamka oo ay ugu horeeyaan ku dalka maali.

Islaamiyiinta dalka maali ayaa dhawaan waxey guulo wax ku ool ah ka soo hooyeen dagaalo ay kula jireen ciidamada dawlada dalka maali iyo kuwa faransiiska,dawlada dalka faransiiska oo dalka maali gumeysanjirtey ayaa ciidamo aad u hubeysan u dirtey dalka maali kadib markii ay soo ifbaxeen guulo xawli ku socda oo ay la yimaadeen islaamiyiinta dalkaasi maali,waxeyna u muuqataa in ay soo ifbaxeyso dagaal mabda’ ku saleysan dagaalka lagula jirey waxa ay ugu yeeraan reer galbeedku (ARGAGIXISO).

Waa markii ugu horeysey ee dhaqaale intan la eg lagu ururiyo madasha midawga afrika oo xaruntoodu tahey caasimada dalka ethiopia ee adisababa,waxaana kasoo qeyb galey ururinta dhaqaalahaas dawlado kamid ah midawga yurub,ashia iyo kuwo kale.