INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN (XOG SIR AH OO KU SAABSAN DILKII WERIYE C/XAREED CUSMAAN AADAN)

0
609

(Wararaka soomaaliya) Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom

Muddooyinka dambe Radio Shabelle Waxaa Ku Dhacay Isbedelo Muuqda oo aan Horey Looga Baran Kaasoo La Xiriiray Fikradaheeda

Is Bedelada la taaban karo Oo ay Shacabku Arkeen ayaa Waxaa ka Mid ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xumaantiisa Mooye Marna aan Samahiisa Baahin Oo Muddoyikii Dambe La arkayey Iyagoo Amaanaya ka Dib Markii ay Ilaa Iyo Heer Maxkamad isla Gaareen

Sidoo kale Xoghayaha Guud Ee Ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee Nusoj ayaa waxa ay U Aqoonsaneyd Cumar Faaruuq Laakiin Muddo Ka Dib Ayaa la arkay Shabelle Oo Xilkaasi Ku Tilmaamaysa Maxamed Ibraahim bakistaan

Maalmo Yar ka Hor Dilka C/xareed Cusmaan aadan Shabelle Waxa ay Wareysi U Ekaa barnaamij la Yeelatay Cumar Faaruq oo Horey ay U Kala Irdoobeen

Wareysigaasi Oo aan Beryo ka Soo Wareegan waxaa la dilay C/Xareed Cusmaan Aadan Oo Kooxo Hubeysan ay Ku Dileen Gudaha Degmada wadajir
Ka Dib Dilka Weriye C/Xareed Shabelle Waxa ay Baahinaysay Tacsi Uu Dirayey Maxmed Ibraahim bakistaan Oo ay Ku Tilmaamaysay Xoghayaha Guud Ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed

2 Nin Iyo 3 Dumar ah Oo Wada Jooga aya waxa Yeeray Dhuuso 5-tii ayaa Is Fiir Fiirshay Mid Ka Mid ah Ragga ayaa Inta Uu Soo Booday waxa Uu Yiri ” Is Wada Fiiriniyee Yaa Dhuusay”?

Haddaba Su’aashu Waxa ay Tahay Yaa Dilay Weriye C/xareed Cusmaan Aadan?

Fikirkaaga Ka Dhiibo Iyo Sida Aad wax Uga fahantay war Bixinta

(Wararaka soomaaliya) Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom