War deg-deg ah gaari mini bus ah ama kuwa loo yaqaan caasi oo u socda beydhabo ayaa inta u dhaxeysa wanlaweyn iyo leego lagu rasaaseeyey.

0
492

Sida wararka naga soo gaaraya gobolka sh/hoose ayaa sheegaya gaari mini buss ah ama kuwa loo yaqaan caasiga ay kooxo dabley ahi ku rasaaseeyeen isagoo maraya inta u dhaxeysa wanlaweyn iyo leego.

Gaarigan oo u socdey beydhabo kana baxey magaalada muqdisho ayaa waxaa ku dhintey 2qof oo midkood yahey haweeney da’deedu tahey 60 ilaa 70 sano halka dhaawacu ka yahey 6 oo ay ku jiraan 4 caruur ah.

Sida la sheegayo gaariga ayaa lagu amrey in uu istaago hase yeeshee markii darawalkii gaariga wadey uu ka dhega adeygey ayey dableyda hubeysani rasaas ooda kaga qaadeen iyagoon hubsan cidda saaran gaariga,waxaana la sheegayaa in dableydan ka dilaacdey wadada u dhaxeysa beydhabo iyo wanlaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin odayaal da’doodu ku dhawdahey 70 sano lamana garanayo waxa ay doonayaan odayaashan burcadnimada u bareerey iyadoo cimrigoodi gabangabo ku dhawyahey.

Ma ahan markii ugu horeysey ee wadadan dad safar ah lagu furto ama lagu waxyeeleeyo iyadoon dawladu waxba ka qaban,waxaana bulshada soomaaliyeed ku cusub dad odayaal u muuqda oo isbaaro iyo qaadicu dariiqnimo u istaagey wado ay dad rayid ahi ku safrayaan waana wax laga xumaado ama laga naxo iyadoon diinta islaamku ogoleyn waxyaabaha nuucan oo kale ah.