Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom
Ururka Midabada Badan Ee Ahlu Sunna Wal Jameeca Qaybtooda Muqdisho ayaa La wareegay Gacan Ku Haynta Masaajidka Isbahysiga Islaamka
Calamada Astaanta U Ah Ururkaani ayaa Lagu Suray Dhismaha Masaajidka Isbahysiga islaamka Waxaana Masaajidka Gudahiisa Ka Bilawday Baahinta Fikradaha Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca Laakiin Dadka Lagu Qaldayey In La Xusayo Nabi Muxamed (NNKH) Iyadoo Xitaa ay Jirto Khilaaf Xoogan Oo Ku Wajahan Qaab Loo Xusayo Nabigeena Suuban
Ammaanka Masaajid ay Qabsadeen Ahlu Sunna ayaa La wareegay Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom Xilli Ahlu Sunna ay Le Yihiin Ciidamo fara Badan
” Gudaha Masjidka Isbahysiga islaam Waxaa lagu Cunayaa Cambuulo Iyo Hilib Uma Eka Masaajid Waxaad Moodaa Guri Ahlu Sunna Waxaa Sidaasi Yiri Mid Ka Mid ah Shaqsiyaad Salaad U Aaday Masjidka”
Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa Lagu Tiriyaa in ay ka Mid Yihiin Ururo Ku Fikir ah Shiicada Ku Xoogan Dalal Badan oo Caalamka ka Mid ah Sida Ciraaq Iyo Iiraan
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom




