Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom
Maamulka dagmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa ka codsaday dowlada federaalka Soomaaliya iyo ha’adaha gargaarka in ay dhinacyada waxbarashada ,caafimaad iyo cunada ka Soo gaaraan dadka ku nool dagmadaasi .
Gudoomiyaha dagmada Xudur ee gobalka Bakool Maxamad Macalin ayaa sheegay in degmada iyo deegaanada hoos taga aysan heysan nolosha aas aasiga ah ah sida Cunada ,caafimaadka iyo wax barashada,waxaana uu dowlada Soomaaliya ka codsaday gaar ahaan hay’adaha ay in ay si deg deg ah wax uga qabtaan baahiyaha ka cabanayaan dadka rayidka ah eek u noon deegaanadaasi
Sidoo kale waxaa uu xusay maadama iyagu ay yihiin masuuliyinta Xudur ay cabsho arintaasi la xiriirta kaga imaneyso dadka deegaanka.
Inta badan deegaanada hoos taga degmada Xudur waxaa ay yihiin kuwo ka soo kabanaya dhibatooyinka isu jira cuno la’aan ,caafimaad daro iyo waxbarasho la’aan ayna usii dheertahay dagaalo mararka qaar ka dhac deegaandaasi
Cabashadaani ayaa waxey ku soo beegmeysaa xili ay hay’adaha samafalka iyo xukuumadaba ay balan qaadeen in ay wax la gaari doonaan goobaha ay xarakada shabaab ka bexeen
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom





