Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysanaa oo dhanka cirka ah ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaan duqeynta ahaa ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyo iyo gabaadyo ay ku dhuumaaleysanayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo isugu jira Maleeshiyaad iyo horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda.
Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma sheegin magacyada horjoogayaasha kooxda Al-shabaab looga dilay howlgalka laga fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka lagu dilay howlgalka ln ayaa sidoo kale Wasaaraddu tilmaamtay iney ku howlanayeen u diyaar garoowga sidii ay isaga caabin lahaayeen howlgalka loogu magacdaray “Duufaanta Aamusan” oo ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AUSSOM ka wadaan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhameystiran:-
