Bannaan Bax Lagu Taageerayey Ictiraafka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0
530

Banaan Baxaani ayaa Waxa Ka Soo Qayb Galay R/wasaare Saacid, Wasiirka arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaaklada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan Iyo Masuuliyiin Kale Waxaana lagu Taageerayey Ictiraafka Dowladda Mareykanka ay Siisay Soomaaliya

Khudbad Xasaasi oo R/wasaaraha Uu u Jeediyey Banaan baxayaasha ayaa Waxa Uu Ku Sheegay In Aqoonsigaanu uu Yahay Talaabo Horumar Leh oo ay Gaartay Xukuumada Uu Madaxda ka yahay

Sidoo Kale Saacid ayaa Shaaca Ka qaaday In Loo Baahan Yahay In Shacabka ay Gacanta ay Is Qabsadaan Si Loo Gaaro Dowladnimo Dhab ah

Dibad Baxayaasha ayaa Ku Qaylinayey Erayo ay ku Taageerayaan Hadalka Ka Soo Yeeray Madaxweynaha Dowlada Dalka Mareykanka oo Ku Aadanaa In ay Aqoonsadeen Dowladda Soomaaliya