Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa Dhawaan Magacaabey Gudiga Doorashada iyo Soo Xulidda Xubnaha Ururka uga Qeybgelaya Golayaasha Deegaanka Degmooyinka iyo Barlamaanka Gobolka Banaadir,Gudiga oo ka Kooban 5 Xubnood oo leh Gudoomiye ku Xigeen iyo Xubno waxey Bilaabeen Hawlahooda ayaa Shacabka ku Wargeliyey in ay Araajidooda Gudiga u keenaan si Loola Socodsiiyo Macluumaad iyo Shuruudaha Laga Doonayo Murashaxa u Tartamaya Golaha Deegaanka Degmada iyo Barlamaanka Gobolka Banaadir.
Iyagoo Qoraal Wargelin ah La Wadaagaya Shacabka iyo Murashaxiinta Daneynaya in ay kamid noqdaan Golayaasha Heer Degmo iyo Heer Gobol iyadoo loo Qoray Sidatan:
Gudiga Doorashada iyo Soo Xulidda Xubnaha Golayaasha Deegaanka Degmooyinka iyo Barlamaanka Gobolka Banaadir ee Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed MDD Wuxuu ku Wargelinayaa Murashixiinta iyo Xubnaha Ururka MDD in ay Bilaabaneyso Xulista Murashixiinta Golaha Deegaanka iyo Barlamaanka Gobolka Banaadir Sidaas Darteed ay la Soo Xiriiraan Gudiga oo Fadhigiisu Yahay Hotel Sanaag Agagaarka Taalada xaawo taako inta u dhaxeysa 10:00 AM ilaa 09:PM Insha allaah Ama Lasoo Xiriira Tel 0615591242/ 0619730200/0615378422.
Hadaba Si aad u heshaan Macluumaadka iyo Shuruudaha xubnaha Golaha Deegaanka iyo Barlamaanka Gobolka Banaadir la kulma oo la soo xiriira Gudiga Doorashada iyo Xulista Xildhibaanada Heer Degmo iyo Gobol ee Urur Siyaasadeedka Dadka MDD.
MAHADSANIDIIN.