Qarax Khasaaro Badan Geystay Oo Gilgilay Magaalada Marka

0
519


Qarax Aad U Xoogan Oo Geystay Khasaaro Isugu Jiray Naf Iyo Maalba ayaa maanta Barqadii Waxa Uu Ka Dhacay Gudaha Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose

Sida Dadka Deegaanka ay U Xaqiijiyeen Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Qaraxaani ayaa lala Eegtay Kolonyo Gawaari Ciidamada Amisom oo Marayey Bartamaha Magaalada Marka

Guuxa Weyn Ee Qaraxaani ayaa Laga Maqlayey Dhamaan Deegaanada Ku Xeeran Magaalada Marka Waxaana Markii Uu Qaraxa Dhacay Ka Dib Rasaas Furay Ciidamada Dowladda Oo la Sheegay In ay Daba Socdeen gawaarida Amisom

Ma Cadda Ilaa Iyo Haatan Khasaaraha Dhaba Ee Qaraxaasi Ka Soo Gaaray Ciidamada Amisom Balse Dadka Goobta Uu qaraxa ka Dhacay Ka Ag dhawaa ayaa Inoo Xaqiijiyey In ay Jiraan Waxyeelo Soo Gaaray Ciidamada Amisom