Soomaalida kenya kunool oo godkoodi loogu gelidoono sida ay sheegtey dawlada kenya 18 kun soomaali la masaafurinayo.

0
507

Wararka naga soo gaaraya dalkaasi kenya ayaa la sheegayaa in amar lagu bixiyey in la masaafiriyo sideed iyo toban kun soomaali ah oo heysta dhalashada kenya,taas oo ka dhigeysa in aanu qof soomaali ah aan loo ogolaan doonin magaalooyinka waaweyn ee dalka kenya.

Madaxweynaha kenya wai kipaki ayaa amar ku bixiyey in soomaali ku dhaw 20 kun laga qaado aqoonsiga wadanimo,soomaalida ayaan la ogeyn halka loo masaafurin doono waxeyna kenya kaga dayaneysaa arinkan horana u sameeyey dalka ugandha oo musaafuriyey hindi iyo bakistan ganacsi waaweyn ku lahaa dalkaas,hase yeeshee lagala wareegey hantidi iyo aqoonsigi dhalasho ee dalkooda ku joogeen waana mida hada ay damacsantahey kenya.

Warkan ayaa soo baxaya iyadoo hore kenya ay u shaacisey in xeryaha qaxootiga iska xaadiriyaan hadii kale ay la kulmi donaan cawaaqib xumo waxaana la filayaa in dalka kenya doorasho ay ka dhacdo bilawga sanadkan gudihiisa.