Wariye Cabdi Xareed Cismaan Adan Alle Ha U Naxariistee oo ka mid ahaa weriyaasha ka howlgalijiray idaacada Iyo Tv-ga Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku dileen magaalada Muqdisho Gaar Ahaan Degmada Wada Jir.
Alle Naxariistii Janno Ha Siyee Wariye Cabdi Xareed ayaa la sheegay in Maanta Ay kooxo Ku hubeysanaa Biskoolado ay ku weerareen xilli uu ku sugnaa suuqa weyn ee degmada Wadajir Halkaasoo Ay Rasaas Kula Dheceen.
Marxuumka Ragii dilka U geystey oo ku hubeysnaa baskoolado ayaa ka baxsaday goobta ay ku dileen weriyaha Sida Ay Warsom U Sheegeen Dad Goobjoog U ahaa Waqtigaasi.
Weriye C/xareed Ayaa isagoo Dhaawac Ah Laga Qaaday Goobta waxaana loola cararay isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho Kadibna uu geeriyooday Isagoo Ku Jira Ispitaalka.
Weriye C/xareed Falkaani Dilka Ah Ee Loo Geystay ayaa imanaya Xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka socdeen degmoyinka Wadajir iyo Dharkeynley howlgalo dad badan lagu soo qabqabtay Waxaana Tani Ay U Muuqataa In Howlaha Hay’addaha Amaanka Ka Wadaan Muqdisho Ay Tahay Mid Fashilan Waxa Xabsiyada Ku Jirana Ay Yihiin Dad Aan Waxba Galabsan.




