Waxaa ku dhawaad labo kun oo qof ay ciidamada booliska nabadsugida iyo xoga dalku ku soo qabqabteen dhalinyaro iyo dad kale oo sida la sheegey lagu tuhmey in ay xiriir la leeyihiin al shabaab degmooyinka madiina iyo dharkeynley ee gobolkan banaadir.
Waa dadki ugu badnaa abid oo hey’adaha amnigu soo qab qabtaan kuwaasoo looga shakiyey in ay kamid yihiin ama xiriir la leeyihiin,taliyeyaasha nabadsugida iyo booliska gobolka banaardir general khaliif ereg iyo general axmed xasan maalin oo saxaafada la hadley ayaa sheegey in ay soo qab qabteen kun iyo tobo boqol toban iyo afar ruux,hase yeeshee la sii daayey kun iyo lix boqol ruux halka boqol toban iyo afarna ay xiranyihiin,waxeyna intaa ku dareen in hawlgalada sidan oo kale ahi ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga waayo qof looga shakiyo alshabaab waa sida ay u yiraahdeene.
Dadkan tirada intaa la eg ayaa waxaa leysugu keeney xarunta degmada madiina,si loo kala saaro,taas oo dad badan oo soomaali ahi ay u arkaan xadgudub aysan xaq u laheyn ciidamada amnigu in ay soo qabtaan qof aan dagaal ku jirin ama aan denbi kale faraha isagoo kula jira aan la qaban,dastuurka iyo shuruucda dalkuna aysan ogoleyn,isla markaana ay khal khal gelin karto nabadgelyada iyo sida dadku dawlada ugu kalsoonaan lahaayeen sababtoo ah dad intaas la eg oo dugsiyo iyo danahooda gaarka ah u socda hadii jidka loo istaago waxey naceyb ku keeni kartaa dawlada iyo ciidamada amniga dhanka kale waaba isku xirmi karaan dadkan sida fudud leysugu keeney,go’aansana karaan in ay is difaacaan kana soo horjeestaan dawlada iyo ciidamadeeda dhamaan,waxaa sidoo kale meesha ka baxaya la shaqeynta ciidamada amniga iyo dawlada,sidaas darteed buu leeyahey qoraha maqaalkani waa in laga fiirsadaa ficilada qaarkood inta aan la qaadin.




