Qaliif Axmed Ereg Taliyaha Ciidamada nabad sugida Qaranka Ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in howl galkan uu ahaa mid ay kawada qeyb qaateen Ciidamada kala duwan ee amniga, kaasoo xalay saqdii dhexe lagu qaaday Qaar Ka Tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay Mr.Ereg in howlgalkan uu soconayo muddo dheer, isla markaana Uu qorshuhu yahay inta laga xasilinayo Amaanka caasimada isagoona xusay inay Soo Qab Qabteen Rag Badan Oo Ka Mid Ahaa Dagaalyahanada Al-shabaab.
Khaliif Ereg Ayaa Waxa uu Sheegay In ay ku soo qabteen 477-ruux,Iyadoona 137-ruux la hubo Iney Yihin Al-shabaab kuwa aan dambiga laheyna Uu Sheegay In Ay sii deynayaan, kuwa dambiga lehna maxkamad la soo taagayo.
Ciidamada Hey’adda Nabadsugida qaranka Soomaaliya ayaa dhowr jeer hore howl galo ay ka sameysay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoo dad badan oo lagu soo qabtay lagu soo Howlgalkaasi Ay Ku Soo Bandhigeen Xarunta Ay Ku Leeyihiin Gobolka Banaadir.




