Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo uu hadlayey kusimaha gudomiyaha xmjs ahna gud.kuxigenka xmjs md cali maxamed nuux timajilic ayaa xukuumada hada dalka ka jirta ee uu hugaamiyo dr saacid ku eedeeyey in ay gabtey kana gaabisey adeegi loo igmadey waxeyna hilmaansanyihiin dhaarti ay u dhaarteen dalka,dadka,iyo diinta,waxaadna moodaa in ay faransiska iyo dawladaha ajnabiga dadkeena leynaya in ay u dhaarteen oo ay iyaga u shaqeeyaan shacabkuna yahey cadaw ay sirdoon ahaan u dhexjoogaan oo kaliya ayuu yiri gud.kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic.
Shacabka soomaaliyeed ayaa labaatankan sano ee burburka heysan dawlad u dooda oo u hadasha shacabka isla markaana la dooda cida danbi ka gasha dalka iyo dadka waxaana markii m/weyne xasan shekh uu hugaanka qabtey la filayey in karaamadi dalka iyo dadku wax uun kasoo noqon doonaan balse waxey noqotey (lamood noqonse weysey).
Burburinta iyo baabi’inta dalka iyo dadku wey sii socotaa ilaa hadana lama hayo xukuumada iyo hugaanka ay dadka soomaaliyeed rabeen waxaase ku kala wareegaya isma dhaantiyo dhasheed.
Maahan markii ugu horeysey ee dawladi kusoo xadgudubto ciida soomaaliya isla markaana dhibaato loo geysto dadka soomaaliyeed naftooda iyo maalkoodaba,haba ugu darnaadeen dawladaha deriska la ah soomaaliya iyo kuwo kale oo dano guracan ka leh dalkan dagaaladu la degeen ee soomaaliya.




