Jidadka Magaalada Bosaaso Ayaa Waxaa Soo Buux Dhaafiyey Ciidamo Farabadan Iyadoona maanta la filayey in ay magaalada Bosaso ka dhacaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo madaxweynaha xilku maanta uga egyahay Ee Cabdiraxmaan Faroole.
Jidadka halbowlaha u ah magaalada Bosaso Ayaa La Dhigay Ciidamada sida waddada tagta Madaxtooyada Isgoyska Gaaca iyo waddooyinka xaafadda Laanta Hawada iyo Xaafaddah qadiimiga Ah Ee Magaaladaasi Bosaaso.
Waxay Isugu Jireen Ciidamadan La Dhoobay Wadooyinkaasi Booliska iyo ciidamo Kale Ee Sida Gaarka Ah U Tababaran.
Ciidamadaan La Dhigay Wadooyinka Waaweyn Ayaa Imaanaya Xilli ay maanta ku egtahaya muddadii Madaxweynaha Puntland loo dhaariyey xafiiska ayaa maalintii shalay la hadal hayey in magaalooyinka waaweyn sida Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaso ay ka dhacaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo maamulka xilkiisi maanta ku egyahay ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Faroole.




