Gudoonka Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo maalinimadii shalay magacaabay qaar kamid ah guddiyada Joogtada ee Golaha, ayaa sheegay in dhawaan ay u hawlgeli doonaan sidii ay ulla xisaabtami lahaayeen Golaha Wasiirada iyo Waxqabadka xukuumada Soomaaliya.
Guddiyada Baarlamaanka ayaa la sheegay in mid walba hawshiisa bilaabi doonaan si ay u daba geli lahaayeen Wasaaradaha Xukuumada, iyadoo arrintan ay tahay markii ugu horeysay oo uu Baarlamaanka qaabkan u dejiyo qorshaha ay kula xisaabtayaan Xukuumada Saacid.
Markii ugu horeeyey oo Ay Baarlamaanka muujiyey ka duwanaasho baarlamaanyadii hore ee Dowlada Federaalka ee U Bur Buray horey.




