Waxaa caawa lagu qaadey weerar culus ciidamada ku sugan gobolka hiiraan ee dalka jabuuti ka socdey,dagaalkan oo leysu adeegsadey hubka nuucyadiisa kala gedisan ayaa waxaa laga maqlayey magaalada b/weyne.
Dagaalka oo socdey saacad iyo dheeraad ayaan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu geystey maadaama weerarku dhacey goor habeenimo ah awgeed,balse waxaa la ogaandoonaa berito iyo wixii ka danbeeya.
Waa markii ugu horeysey ee ay weeraraan dagaalyahanada alshabaab ciidamada ka socda dalka jabuuti ee ka tirsan ciidamada huwanta Amisom,waxa uuna weerarkani u muuqdaa mid ciidamada jabuuti lagu dhadhansiinayo xabada kulul ee ay iyagu soo doonteen,waana bilaw laga yaabo in ay ku fido gudaha dalka jabuuti,maadaama ay gumeysi u gacmo qabanayaan walaalahoodi shaley xoriyada ay sheegtaan usoo dagaalamey.




