Maxkamadda sare ee Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday dhammaan wadamada islaamka inay maanta oo Jumca ah ay raadiyaan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Bayaan ay Maxkamadda ay soo saartay ayaa waxa ay shaaca uga qaaday in maanta oo taariikhda Hijriga ay ku beegan yahay 29ka Bisha Shacbaan loo baahan yahay in si goaan looga gaaro dhalashada Bisha Ramadaan ama in la dhameystiro Bisha Shacbaan loo baahan yahay in la baadi goobo Bisha Ramadaan dhalashadeedi.
Diyaar garow xoogan ayaa ka socda wadamada islaamka kaa oo loogu jiro in lagu soo dhoweeynayo bilashada Bisha Ramadaan waxaana si weyn loo wada sugayaa dhalashada Bishaan kheyriga ah.
Soomaaliya tusaale ahaan markaan soo qaadano waxaa diyaar garowga Bisha Ramadaan laga dareemaya dhinaca Suuqyada magaalada Muqdisho oo dadku aad ka dareemeyso inay si weyn u iibsanayaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah ee bishaan lagu isticmaalo guryaha.
Waxaa si weyn loo qurxiyaa bishaan marka lagaaro masaajida lagu cibaadeysto si lamid ah waxaana la qabtaa tartamooyin kala duwan oo lagu weyneenayo Bishaan Ramadaan.
Iyadoo Ugu Danbeyntii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ay ku Dhawaaqdey in bisha Ramadaan laga Arkey Meelo kamid ah Gudaha Dalka Soomaaliya Sidaas darteed ay Beri tahey Maalintii koowaad ee Bisha Ramadaan iyadoo sabti bisha Marso kow tahey.
RAMADAAN MUBAARAK Dhamaan caalamka islaamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku Noolyihiin waxaan u Rajeyneynaa Caafimaad iyo Cibaado Suuban in ay bishan Barakeysan ku Dhameystaan kiisa Kalena alle Gaarsiiyo.












