Ciidamada dalka burundi ee Amisom ayaa baaritaano ka bilaabey magaalada marka xarunta gobolka sh/hoose,kuwaasoo marka ku sugnaa in mudda ah,tan iyo intii ay baneeyeen dagaalyahanada alshabaab.
Ciidamada burundi ayaa qeyb ka ah kuwa huwanta isbaheysatada soomaaliya,isla markaana ka anshax wanaagsan kuwa uganda,waxeyna qeyb u heleen gobolka sh/hoose,isla markaana mar hadii ay hawlgaladan bilaabeen ayaa la filayaa in ay la kulmaan weeraro kudhufo oo ka dhaqaaq,weeraradaasoo markii hore ku wajahnaa ciidamada dawlada soomaaliya.
Waa markii ugu horeysey ee ay ciidamada brundi fatashaad iyo baaritaano,taas oo keeni doonta jawi ka bedelan kii hore loogu yiqiin marka waana hawl cusub oo ay go’aansadeen ciidamada AMISOM ee kusugan dalka soomaaliya.




