Qaraxyo ka dhacey meelo kala duwan oo soomaaliya ah…/

0
536

Wararka naga soo gaaraya meelo kala duwan oo gudaha dalka soomaaliya ah ayaa lagu soo waramayaa in ay geysteen qasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa koowaad wuxuu ka dhacey marka degmada shalaanbood meel ay ku qayilayeen askar dawlada ka tirsan ayuu ka dhacey khasaaraha lama xaqiijin balse goob joogayaal ayaa sheegey in ay arkayeen dhaawacyo la daad gureynayo,sidoo kale qarax kale ayaa ka dhacey suuqa xoolaha beydhabo,sidaas si lamid ah qaraxyo kale oo iyaguna muqdisho ka dhacey ayaa ka kala dhacey bakaaro iyo sos iyadoo dhimashadu tahey labo qof iyo sadex dhaawac ah.

Qaraxyadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo muqdisho iyo gobolada ay dawladu maamusho laga bilaabey hub ururin iyo diidmada qoryaha magaalada lala dhexmarayo,taas oo waxoogaa lamoodo in ay amniga gacan ka geysteen iyadoo jooteynta hawl galadani ay wax ka tari karaan guud ahaan nabadgelyada dalka soomaaliya.