Ahlusunada gobolada dhexe ayaa sheegtey in ay qabteen labo nin oo ajnebi ah ayna uga shakisanyihiin xiriir in ay la leeyihiin alqaacida,iyagoona sida la sheegey sharcidarro iyo vissa la’aan kusoo galey guriceel.
Muuse macalim oo ah taliyaha nabadgelyada magaalada guriceel ayaa xaqiijiyey qabashada labadan nin iyo dad kale oo iyagana lagu eedeeyey in ay labadan nin marti u ahaayeen,halka dad kalena ay sheegayaan in labadan nin ay ahaayeen shaqaale ay keensadeen ganacsato kasoo jeeda degaanka guriceel,maamulkuna uu cid kasta oo ajnebi ah uba yaqaan alqaacida,mana aha markii ugu horeysey ee ahlusunada gobolada dhexe ay sheegaan in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan alqaacida.
Ahlusunada gobolada dhexe ee hubeysan ayaaney wax awood qeybsi ah ku laheyn dawlada hada jirta,waxeyna u muuqdaan kuwo ku gorgortamaya meelaha ay ka arriyaan,waxeyna qabashada labadan nin oo aan la ogeyn dalalka ay kasoo jeedaan iyadoo uu dhawaan sheegey gudomiyaha golayaasha shekh maxamuud macalim xasan in aaney ciidamada ahlu suna aysan ku biireyn kuwa dawlada ahlusunana cid kuma biirtee iyadaa lagu biiraa waa sida uu hadalka u yiriye.




