Wasiirka arrimaha gudaha c/kariim xusen guuled oo dhawaan gaarey kismaayo isaga iyo wafdi uu hugaaminayey ayaa maanta shir la qaatey odey dhaqameedyo sida la sheegey kasoo kala jeeda beelaha wada dega magaalada kismaayo.
Wasiirka oo la hadlayey odey dhaqameedyada ayaa sheegey in aysan jirin wax ay isku diidanyihiin dawlada kumeelgaarka ah iyo maamulka kumeelgaarka ah,lamana oga sababaha uu dawladan hada jirta ugu sheegey kumeel gaar iyadoo hore loo sheegi jirey in dawladani tahey rasmi.
Wasiirku masoo hadal qaadin ciidamada kenya doorkooda,xaalufka deegaanka iyo dhuxushii oo wali socota,waana markii ugu horeysey ee dawladan laga maqlo qanacsanaan iyo qaneeco ay ka qabaan maamul u sameynta kismaayo waxaase su’aal ah wasiirka iyo odey dhaqameedka maxaa gacanta ugu jira iyadoo laga wada war qabo heshiiskii hada kusoo dhamaadey ethiopia ee lagu qeybsadey awooda gobolada jubooyinka soomaaliya.
Arrinta ka hadalka maamul u sameynta iyo booqashada wasiirka iyo wafdigiisa ayaa imaneysa xili m/weyne xasan sheekh uu la soo hadley dhigiisa dalka kenya mwai kibaki.




