Ciidamada booliska amisom sheegta iyo kuwo soomaali ah oo hawlgallo ka fuliyey degmada x/weyne ee gobolka banaadir.

0
519

Ciidamo wata dabaabaadka dagaalka sheegteyna in ay yihiin boliska amisom iyo kuwo soomaali ah ayaa hawl gallo ka fuliyey degmada x/weyne ee gobolka banaadir.

Ciidamadan isku darka ah ayaa qab qabtey rag gaaraya labaataneeyo kuwaasoo lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen isbaarooyin si qarsoodi ah u dhex yiil degmada x/weyne,ciidamadan lagu sheegey boliska ahna kuwo shisheeye ah ayaa sumcad xumo ku ah booliska soomaaliya maadaama ay ku filaanwaayeen hawlihii loo igmadey.

Waa markii ugu horeysey ee ciidamada shisheeye ay hawl gallo ka sameeyaan arrimaha gudaha caasimada muqdisho,gudoomiyaha degmada x/weyne c/hi ibraahim sahal gardhuub ayaa hawshan soo dhaweeyey codsadeyna in la joogteeyo hawlgalada nuucan oo kale ah taasoo u muuqata in uu qaati ka taagnaa niman ay isku heyb yihiin oo aan amarka degmada u hugaansameyn.