“Mwai Kibaki” Weerarada Ka Dhaca Gudaha Dalka Kenya Waxaa Laga Soo Abaabulaa Somaliya.

0
491

Mwai Kibaki Madaxweynaha Dowladda Kenya ayaa Warbaahinta Maxaliga ah ee dalka Kenya u sheegay, in weerarada ka dhacaya dalka Kenya ay yihiin kuwo argagaxisonimo ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo Kale Madaxweynaha wuxuu xusay in weerarada argagaxiso ee ka dhacaaya dalkaasi Kenya laga soo maleygaayo sida uu yiri Soomaliya, oo ay ka jirto waxa uu ugu yeeray kooxda khatar badan ee Al Shabaab Kuwaasoo Ka Soo Duulaan Taga Gudaha Dalka Soomaaliya.

Kibaki ayaa qeexay in ujeedada Al Shabaab uu yahay sidii ay wax yeelo ugu geysan lahaayeen Muwaadiniinta reer Kenya, laakiin taasi ayaa wuxuu sheegay in difaacideeda uu xilka saaran yahay Ciidamada Dowlada Kenya.

Dowladda Kenya Oo uu Madaxweynaha ka yahay ayaa wuxuu sheegay in uu Waajib ka saaran yihiin, sidii shacabka u dhashay Wadanka Kenya looga difaaci Lahaa weerarada Somalia laga soo maleygaayo.

Magaalooyinka qaar ee Gudaha dalkaasi Kenya ayaa Muddooyinkaan waxaa Ka Jiray falal ammaan daro heerkii ugu Xumeyd taa oo ay Ciidamada Booliska ee Dowladda Kenya la tacaalayaan Sidii Ay Kaga Hortagi Lahayeen Amni Darada Soo Wajahday Shacabka Ku Dhaqan Kenya.

Hadalkaasi Ka Soo Yeeray Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kipaki Ayaa Imaanaya Xilla Ay Mudooyinkaanba isa soo tareysay tuhunka ay Dowladda Kenya ka muujineyso halka laga soo maleygayo weerarada ka dhanka Ah dalkaasi Kenya, oo muddooyinkaanba noqotay kuwo isa soo taraayay.