Sheekh C/Raxmaan Xudeyfa Wakiilka Xarakada Al-shabaab Oo La Hadlay Warbaahinta Ku Hadasha Afka Al-Shabaab, ayaa wuxuu daaha ka qaaday inay xalay khasaaro gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda Kenya Ee Ku Sugan Gudaha Dalka Soomaaliya.
Waxa Uu Sheegay Sheekh Xudeyfa In Ay Weerara Xoogan Ku Qaadeen Ciidamada Kenya Xilli ay hurdeen Isagoona Xusay In Ay dhawr jiho Ka Soo Weerareen Waxa Uuna Carabka Ku Dhuftay inay daafacyada ugu daateen Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya Qasaaro Xoog Lehna Ay Soo Gaartay Ciidanka Kenya.
Sheekh C/raxmaan Ayaa Sidoo Kale Wuxuu sheegay in dagaalo lagu riiqmay ay ka dhex dhaceen fariisimihii uu sheegay inay ugu daateen Ciidamada Kenya, halkaasina wuxuu sheegay inay uga dileen tiro 10 askar Kenyaan Ah.
C/Raxmaan Xudeyfa ayaa wuxuu xusay in Ciidamada Dowladda Kenya ay wax mucjiso ah kula noqotay, markii uu sheegay inay ka war heleyn in Ciidamada mujaahidiinta Al-Shabaab ay daafacyadoodu Ka Dagaalamayaan.
Dagaalkaani Iyo Duqeymahaani Xalay Ka Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo ayaa Ilaa Iyo Haatan jirin wax war ah oo ka soobaxay Saraakiisha Dowladaha Kenya Iyo Soomaaliya Kaasi Oo Ku Aadan Weeraradii Ay Xalay Ku Soo Qaadeen Al-shabaab




