Xarakada alshabaab oo shaacisey in aanu abuu mansuur al-amerikiyi ku hadli karin afka muhaajiriinta alshabaab…../

0
502

Waxaa in dhaweyd ba kasoo baxayey warar is khilaafsan oo la xiriira xaalada abuu mansuur al amerikiyi oo asal ahaan kasoo jeeda dalka suuriya,balse ku dhashey dalka mareykanka,kaas oo xarakada al shabaab muhaajiriinta ka barbar dagaalama kamid ahaa,iyadoo mar la lahaa noloshiisa ayaa khatar ku jirta hadana la arkayo iyadoo barta internetka la soo dhigayo hadalo ka dhan ah alshabaab.

Waxaase maanta ay xarakada alshabaab sheegeen in abuu mansuur al amerikiyi uusan ku hadli karin afka muhaajiriita alshabaab,taas oo cadeyneysa in uu jiro khilaaf shabaabka dhexdiisa ah oo aan la ogeyn halka uu salka ku hayo,hase yeeshee dad badan ayaa shaki weyn ka qaba joogitaanka abuu mansuur al amerikiyi gudaha soomaaliya.

Waa markii ugu horeysey oo uu soo shaac baxo warar is burinaya oo shabaabka dhexdiisa ah waxeyna u muuqataa in muhaajiriin alqaacida ku xiran oo shabaabka soomaalida ah kasoo horjeedaa ay jiraan ama jiri karaan maadaama ay muhaajiriintu ku milmeen dadka soomaalida ah sida iyagoo ku yeeshey saaxiibo xaga qabaa’ilka ah iyo guurba ayna noqon karaan qabiil hor leh oo aan la loodin karin.