Gudoomiyaha golayaasha ahlu suna waljamaaca shiikh maxamuud macalin xasan ayaa sheegey in aaney waxba ka jirin ciidamada ahlusuna waljamaaca lagu wareejiyey dawlada soomaaliya,taas oo uu hore u sheegey shekh maxamed xeefow oo ah gudoomiyaha fulinta ee ahlusuna.
Sheekha ayaa dhawaan yimid muqdisho kulamana la qaatey madaxda dawlada wuxuuna sheekh maxamuud macalin xasan faarax sheegey in dawladu rabto in la baabiyo ahlusuna waljamaaca dhanka kale sheekha ayaa yiri Ahlusuna iyada ayaa lagu biiraa ama lasoo galaa ee cidna kuma biiraan,isagoo ula jeeda in dawladu ka laabato hamigeeda ah in ay takhalusto wixii aan iyada aheyn,nooca ay doonaan ha ahaadeene.
Ahlusuna waljamaaca iyo dawladihìi kumeel gaarka ayaa lahaa xiriir dhaw iyo wada tashi awood qeybsi ku jiro,balse dawladan oo la yiri kumeel gaar ma ahan wey kala fogaanayaan culimada hubeysan ee ahlu suna waljamaaca la magac baxey,kuwaasoo ka arrimiya qeybo ka mid ah gobolka gal-guduud.
Maahan markii ugu horeysey oo la maqlo khilaaf soo kala dhex gala ahlusuna iyo dawlad dalka ka arrimisa,waxeyna tani imaaneysaa iyadoo la soo dhisey xukuumad ka kooban 10 wasiir,5 wasiiru dawle,iyo 20 wasirkuxigeen oo aaney door ku laheyn ahlu suna oo lahaan jirtey ugu yaraan hal wasiir iyo meelo kale,waana taas waxa keenay hadalkan sheekhu ka sheegey gobolka galguduud.




