Xaflad lagu maamuusayey sanadguuradii 40’aad ee qoraalka afka soomaaliga ayna kasoo qeyb galeen m/weynayaal kamid ah shanta soomaaliya ayaa ka dhacdey dalka jabuuti magaalada jabuuti.
Xafladan oo lagu wadey in ay kasoo qeyb galaan m/weynayaasha shanta soomaaliya ayaa waxaa ka baaqdey m/weynaha kibilka 5’aad Cabdi Maxamed Cumar iyo Nfd oo aan wax maamul ah laheyn walina ku hoos jirta gacanta gumeystaha,waxaana xaflada laga jeediyey qudbado qiimo badan oo ay kala jeediyeen m/weynaha martida loo yahey ismaaciil cumar geelle batal,m/weynaha somaliland axmed maxamed siilaanyo,iyo m/weynaha dawlada federalka prof. Xasan sheekh maxamuud.
Xafladan ayaa noqon laheyd mid usu keenta shanta soomaaliya,balse waxaa nasiib daro aan kasoo qeyb gelin labada dawladood ee kala ah dawlada soomaaligalbeed iyo dawlada soomaali NFD oo kenya gumeysato ismaamul hoose xitaa loo diidey,ismacìil cumar geelle batal ayaa taariikhda baal dahab ah ka galey hadey tahey weyneynta afka soomaaliga iyo is aragga iyo isku xirka soomaalida wali kala maqan,iyadoo rajadu tahey in sanadaha soo socda uu afku kulmiyo insha allaah.




