Wafdi uu horkacayey gud. Baarlamaanka jabuuti oo muqdisho soo gaarey lana hadley baarlamaanka soomaaliya.

0
476

Wafti uu hor kacayey gudoomiyaha baarlamaanka dalka jabuuti Idiris ayaa muqdisho soo gaarey isagoo la hadley xubnaha golaha baarlamaanka soomaaliya oo ku kulansanaa xarunta ay ku shaqeeyaan ee dhismaha loo yaqaan golaha shacabka.

Ugu horeyn waxaa salaan iyo soo dhaweyn ku furey hadalka gud barlamaanka soomaaliya maxamed sh cismaan jawaari isagoo wafdiga uga mahadnaqey booqashada ay ku yimaadeen dalkooda hooyo ee 2aad,isla markaana kusoo dhaweeyey gudoomiyaha barlamaanka dalka jabuuti mudane idiris.

Gudoomiye idiris ayaa barlamaanka soomaaliya kala hadley dhinacyo badan oo khuseeya soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen in xubnaha barlamaanku iska dhaafaan qabyaalada bulshadana ay dhex galaan,isla markaa ay curiyaan aragtiyo ka hufan qabiil iyo koox kuwaasoo bulshada danteeda guud ka turjumaya,isagoo u jeedey hadalkiisuna inta badan u muuqdey mid uu kaga hadlayey xarakada alshabaab oo dagaal hubeysan kala horjeeda dawlada federalka iyo jabuuti oo ciidamo u soo dirtey soomaaliya,waa markii koowaad ee wafdigan uu hugaaminayo gudoomiyaha barlamanka jabuuti uu ku yimaado dalka soomaaliya waxeyna kusoo beegmeysaa xilli uu dhawaan booqdey dalka jabuuti madaxweynha dalka soomaaliya prof. Xasan sh maxamuud gurguurte.