M/weyne xasan sh maxamuud gurguurte oo dalka dib ugu soo laabtey sheegeyna in uu heshiis la soo galey dawlada turkiga.

0
545

Waxaa dalka dib ugu soo laabtey m/weyne xasan sh maxamuud gurguurte iyo wafti uu hugaaminayey iyagoo kasoo noqdey dalka turkiga oo ay booqasho rasmi ah ku tageen.

M/weynaha ayaa ka warbixiyey booqashada ay dalka turkiga ku tageen,wuxuuna sheegey in ay heshiisyo la soo galeen dawlada turkiga,ayna wax badan isla fahmeen iskuna afgarteen,m/weyne gurguurte ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey qaraxii ka dhacey dalka kenya,isagoo kenya ugu laab qaboojiyey in loo diley dadka kenyaanka ah in ay tahey taageerada ay siisey kenya dawlada somalia.

Waa markii ugu horeysey ee uu m/weyne gurguurte booqasho ku tago dalka turkiga tan iyo intii m/weynaha soomaaliya loo doortey,isagoo sheegey in cilaaqaadka labada dal uu bilaaban doono sanadka cusub ee 2013 ka waxaana jiri doona buu yiri gudiyo ka kala socda labada dawladood kuwaasoo diyaarin doona qaabka loo wajahayo heshiisyada iyo xiriirka labada dal.